Nin Maraykan Ah Oo Loo Xidhay Faraxumayn Uu Ka Geystay Dalka Kenya

Pennsylvania, (HCTV) – Saraakiisha dalka Maraykanka ayaa xidhay nin lagu eedeeyey inuu falal faraxumayn ah u geystay hablo yaryar oo ku jiray goob agoomaha lagu xareeyo oo ku taala dalka Kenya.

Gregory Dow, oo da’diisu ay 60 jir tahay ayaa lala xidhiidhiyey inuu falal galmo ah uu xeradaasi agoomaha uu ugu gaystay gabdho yaryar oo xeradaasi ku jiray intii aanu dalka Kenya ka soo baxsan sanadkii 2017-kii.

Qareen Maraykan ah oo magaciisa la yidhaa William McSwain, ayaa sheegay in Mr Dow oo ka soo jeeda gobolka Pennsylvania uu wajihi doono afar dacwadood oo ku saabsan xidhiidh galmo oo uu la sameeyey caruur aad u dayar oo uu ugu gaystay dal shisheeye oo Kenya ah.

Ninkan iyo Xaaskiisa ayaa hawlo shaqo ka waday Xarunta Caruurta Agoomada ahi ay ku xaraysan yihiin ka hor intii aanay labadooduba ka soo baxsan dalka Kenya, hase yeeshee wakhti xaadirkan ayaa dacwadaha loo haysto ninkan ee ah xidhiidhada galmo ee uu la sameeyey caruurta yaryar uu wajihi doonaa in dhawaan maxkamad loo soo taago.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.