UK Oo Shuruud Ku Xidhay Siidaynta Markabka Iran

London, (HCTV) – Xoghayaha Arimaha Dibada ee dalka Ingiriiska Jeremy Hunt ayaa sheegay in markabkii shidaalka siday ee ciidamada badda ee dalka Ingiriisku ay ku qabteen Gibraltar ay sii dayn doonaan, hadii UK ay xaqiijiso in aanay saliidaasi u socon dalka Suuriya.

Markabkan Grace 1 ayaa la qabtay horaantii bishan markii looga shakiyey inuu jabinayo cunaqabataynta Midawga Yurub ay saareen dalka Suuriya.

Has e yeeshee Iran ayaa qabashada markabkan ku tilmaantay mid budhcad badeednimo ah iyo in ay iyaguna qabsan doonaan maraakiibta Britain ee shidaalka sida.

Mr Hunt, xoghayaha rimaha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Wasiirka arimaha dibada ee Iran uu ugu baaqayo “Baaq wax dhisaya”.

“Waxaan ka walaacsanahay arintaa, asalku maaha saliida, UK waxa ay ka shaqaynaysaa sidii loo sii dayn lahaa, waa hadii aanu u socon dalka Suuriya. ayuu yidhi Xoghayaha arimaha dibada UK.

Waxaanu intaasi ku daray Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Iran, Mohammad Javad Zarif, waxa uu doonaya in arintaasi la xaliyo oo aanu doonayn in ay ka sii darto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.