Mitidiin Bakhtiiyey Dhuun Shidaal (Akhri Faahfaahin)

Suuriya (HCTV) – Koox Mitidiin ah ayaa beegsaday Beebabka Shidaalka qaada oo ay Maamusho Dawladda Suuriya, wayna khalkhaliyeen Axadda Maanta, sida ay baahisay Warbaahinta Dawladda Suuriya.

Wakaaladda Wararka ee SANA ma caddaynin Mitidiinta Weerarray Beebku Cidda ay ka tirsanaayeen, halka uu falku ka dhacayna waxay ku tilmaantay badhtamaha Gobolka Homs.

Halka Weerarku ka dhacay ayaa ku dhow deegaannada dagaalyahannada Daacish ku sii hadhsan yihiin, ka dib markii ay lumiyeen Dhulkii ay Maamuli jireen, sida uu sheegay Wargeyska The New York Times oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Koox Farsamo yaqaano ah ayaa ka shaqaynaya sidii ay u hagaajin lahaayeen ama u cillad saari lahaayeen Beebka Shidaalka ee Mitidiintu khalkhaliyeen.

Dhuunta ama Beebka dhibaatadu soo gaadhay ayaa Warku sheegay inuu 2.5 million cubic metres gaadhsiiyo Warshadaha Laydhka iyo Xarumaha kale ee Tamarta ee Dalka Suuriya.

Wakaaladda Wararka ee SANA oo Wargeyska The New Times soo xigtay ma faahfaahin inta uu leeg yahay khasaaraha soo gaadhay Beebka la wareerarray, balse Warar Madax-bannaan ayaa sheegay in Mitidiintu bakhtiiyeen dhuuntaasi isla-markaana ay shaqada joojisay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka