Turkiga Oo Iska Dhago Marinaya Digniinaha Maraykanka, Iskuna Hubaynaya Gantaalada S-400

Ankara, (HCTV) – Dawladda dalka Turkiga ayaa iska dhago marinaysa digniinaha uga imanaya dalka Marayska, waxaanay sii wadaa isku hubaynta gantaalada Difaaca cirka ee dalka Ruushka  ay ka soo iibsatay ee (Russia’s S-400 missile defence system), sida ay tilmaantay wasaarada difaacada ee dalka Turkigu.

“waxa aanu sii wadnaa helida gantaalada ridada dheer ee hanaanka difaaca cirka ee S-400,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaanu intaasi Afar diyaaradood oo Ruush ah ayaa soo qaaday kuwaas oo ka soo dagay madaarka Murted Airport ee ku yaala duleedka Ankara.

Maraykankuna waxa uu ka cabsi qabaa hadii ay Ankara isla hesho gantaalada difaaca S-400 iyo Diyaaradaha Maraykanku sameeyey ee F-35 in macluumaadka ay u dusiso Russian, waxaanay Washington ay ugu hanjabtay Turkiga inay joojin doonto inay hesho diyaaradahaasi.

Sidoo kale Isbahaysiga NATO oo Turkigu uu ka mid yahay ayaa walaac ka qaba arintaasi Turkugu uu ku iibsaday gantaalada difaaca ee S-400, sida ay saraakiil sarsare ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.

Dawlada Ankarana waxa ay diiday digniinaha Maraykanka ka soo baxayey ilaa maalintii jimcihii, Wasiirka arimaha dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu waxa uu u sheegay warfidiyeenada “Mar kasta waxaanu leenahay. Heshiisku wuu dhacay. Hanaankuna wuu soconayaa.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.