Booliska Hindiya Oo La Tacaalaya Dambiyada Kala Iibsiga Carruurta

Mumbai (HCTV) – Saddex Qof ayaa loo xidhay Dambi ah inay Magaalada Mumbai ku iibinayeen Ilmo, Saddexdan ayaa ku biiraya 11 Qof oo hore kiisan Boolisku ugu xidhay.

Sida uu daabacay Saaka Wargeyksa Mumbai Mirror, kuwa la xidhay ayaa la caddeeyay inay ka mid yihiin laba Qof oo Magacyadooda lagu sheegay Lahu Nivatkar iyo Suraiya Khan oo ka yimid deegaanka Antop Hill.

Booliska Magaalada Mumbai ayaa la wareegay Ilmaha la ogaaday in la kala iibsanayey oo da’diisa lagu sheegay 4 Sano iyo 8 bilood, kaasi oo ka soo jeeda deegaanka Nivatkar, waxayna Boolisku u qaadeen ilmaha inay daryeelaan, inkasta oo aan la sheegin halka Waalidiintii dhalay la xidhay iyo in kale.

Warku wuxuu sheegay in kala iibsiga Carruurtu ku badan yahay Hindiya, isla-markaana ay Carruurta iibsadaan Lamaaneyaasha aan Ubadka lahayni, laakiin Booliska ayaa arrintaa ku tilmaamay dambi.

Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in meelaha qaar Hindiya Ilmaha lagu kala iibsado lacag u dhiganta 500.000 Shilin Somaliland ah oo lacagta Hindiya ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka