Diyaarad Diidday Inay Xujayda U qaado Biyaha Zamzam-ka

Makka (HCTV) – Salaasadii, Diyaaradda Air India ayaa soo saartay Go’aan muran dhaliyey, kaasi oo ay ku joojisay inay qaaddo Caagadaha ay ku jiraan Biyaha Zamzamka ee Dadka Xujayda ahi ka sii qaataan Xaramka.

Maamulka diyaaraddu waxay sheegeen inay Rakaabkooda Xujayda ah ee dalkooda dib ugu noqonaya ay u ogol yihiin Caagad Shan Litir qaad oo keliya, taasi oo ay awood u leeyihiin inay qaadaan.

Arrintan ayaa abuurtay muran iyo in Dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Magaalooyinka waaweyn ee Hindiya ay cambaareeyaan go’aanka ay soo saartay Air India.

Diyaaradda ayaa go’aankan qaadatay ka dib, markii ay aad u bateen Biyaha Samsam-ka ah ee ay Dadka Xujayda ahi ka sii qaadanayaan Xajka.

Sawirro laga qaaday Xujayda Hindiya ayaa muujinaya iyaga oo mid mid u dhaansanaya Caagado badan, laakiin Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in go’aankani khuseeyay oo keliya laba duulimaad oo kala ah (Jeddah/Hyderabad/Mumbai) iyo (Jeddah/Cochin).

“Xajka ayaanu ka soo qaadanaa biyaha Zamzam-ka, si aanu ugu qaybino Ehelkayaga iyo Saaxiibbadayo oo aanu u wadaagno Barakadooda..” ayuu yidhi, Xaaji reer Hindiya ah oo ka cadhooday go’aankan diyaaraddu soo saartay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka