Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Dhisme Tuhun Abuuray Oo Laga Bilaabay Khayriyada Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in la iibinayey Dhismihii khayriyada Hargeysa, kaasi oo lagu deyray Jiingado isla-markaana dhisme laga bilaabay.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile iyo Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo si wada-jir ah Warbaahinta ula hadlay Maanta ayaa sheegay inaan la iibin dhismaha Khayriyada, balse laga dhisayo Guri dhowr dabaq ah, kaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo Mad-xaf lagu kaydinayo Taariikhda kala duwan ee Somaliland.

Dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay ayaa Baraha Bulshada dhex wareegayey Warar kala duwan, kuwaasi oo qaarkood sheegayeen in khayriyada badhtamaha Hargeysa laga iibiyey Ganacsade.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka