Dhisme Afar Dabaq Ah Oo Ku Yaalay Mumbai Oo Dumay

Mumbai, (HCTV) – Ugu yaraan Afar qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dhisbe balaadhan oo ku dumay magaalada Mumbai ee dalka India.

Dhismahan dumay ayaa ka koobnaa Afar dabaq oo isasaaran waxaanu ahaa sida la sheegay dhisme ay dad ku noolaayeen, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Hindiya.

Kooxaha Gargaarka degdeg ah ayaa ilaa iyo hadda la tacaalaya sidii ay uga soo saari lahaayeen dadka ku hoos xaniban dhismahaasi dumay, waxaanay wararku sheegayaan in ilaa iyo hadda saddex qof oo laga soo saaray dhismahaasi loola cararay cusbitaalka.

Dhismahan dumay ayaa ku yaala meesha loo ayqaano Mumbai Dongri, waxaana adag in goobtaasi oo isku raran ay dad badan ay degan yihiin ah in hawlo gurmad ah oo lagu samatabixinayo dadkaasi laga galo.

Dhismayaasha iska duma ayaa wax caadi ah ka ah dalka India, maadaama oo xiligan ay dalkaasi ka da’ayaan roobabka daadadka farabadan soo roga ee loo yaqaano Maansoon-ka, waxaanay dadka arimahan dhismayaasha dumaya aqonta u lihi ay sheegayaan in seesaska ama foundation-ka guryahaasi marka ay jilciyaan biyuhu ay u sahlanaadaan dumiska ama iyagoo markoodii horeba si adag aan loo dhisin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.