Markab Imaaraadku Leeyahay Oo Lagu La’yahay Badda IRAN

HomeSomali News

Markab Imaaraadku Leeyahay Oo Lagu La’yahay Badda IRAN

Somaliland: Tirada Qoxootiga Diwaangashan Oo La Hubinayo
42 Qof Oo Ku Dhintay Mudaharaaddo Soo Laba-kacleeyay Oo Illaa Jimcihii Ka Socday Ciraaq
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-Furay Mashruuc 50 Qoys Shaqo Loogu Abuuray
Soomaaliya: Diyaarad Ku Burburtay Deegaan Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan
Madaxweynihii Da’da Weynaa Ee Tunisia Oo Geeriyooday Isagoo 92 Jir Ah

UAE (HCTV) – Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la la’yahay muddo laba Maalmood ka badan.

Markabkan oo ku socdaalayey Marin-biyoodka Hormuz  ayaa joogsaday gudaha Biyaha Jamhuuriyadda IRAN, ka dibna waxa la bakhtiyey Isgaadhsiintiisa, ka hor muddo laga joogo laba Maalmood, sida laga soo xigtay Xogta la socodka Maraakiibta.

Arrintan ayaa dhacaysa, xilli badhtamaha lagaga jiro jahawareerka soo food-saaray Maraakiibta Ganacsiga ee ka dhalatay Xiisadda ka taagan Gacanka Persia.

Markabkan ayaa markii ugu dambaysay ee indho la saaro ama la arko ay ahayd Sabtidii Toddobaadkan, waxaana xilligaa lagu arkay Xeebta Jaziiradda Qeshm oo ah ka mid ah Marin-biyood Hormuz, sida uu daabacay Wargeyska Washington Post oo HCTV soo xigtay.

Ma Caddayn waxa ku dhacay Markabkan, Afhayeenka Dawladda Imaaraadka Carabta oo arrintan wax laga waydiiyeyna kama jawaabin.

Illaa bishii May, ugu yaraan lix Markab ayaa lagu weerarray meel u dhow Marin-biyoodkaasi, kaasi oo ah marinka ugu muhiimsan ee Maraakiibta Shidaalka, Weerarradaa waxay Dawladda Maraykanku ku eedaysay IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS