Mataano Madaxa Iskaga Dhegenaa Oo Lakala Jaray Iyogoo Laba Jir Ah

London, (HCTV) – Laba mataano ah oo Madaxa Iskaga dhexegaana ayaa la kala jaray, waxaana qaliinkaasi labada mataanaha ah ee laba jirka ah ka qayb qaatay ku dhawaad 100 dhakhtar, kuwaas oo ay ku qaadatay in ka badan 50 saacadood inay kala jaraan labadaasi gabdhood ee mataanaha ah oo la kala yidhaa Safa iyo Marwa Ullah, waxaanu qaliinkaasi si isdaba joog ah uu u socday shan bilood oo xidhiidh ah.

Qaliinkan ayaa ka socday cusbitaal ku yaala dalka Ingiriiska Gaar ahaana magaalada London (The surgeries at Great Ormond Street (GOSH), waxaanu soo bilaabmay bishii October iyadoo aakhirkii labada mataanaha ah la kala jaray bishii February 11-keedii ee sanadkan.

Ka hor intii aanay dhakhaatiirtu aanay bilaabin qaliinka waxa ay bilaabeen inay mudo dhawr bilood ah ay darsaan Maskaxda labada hablood iyo iyagoo u isticmaalay inay sameeyaan habka 3D oo caag plastic ah ay ku tababarteen qaabkii ay u kala jari lahaayeen.

Waxaana hawlgalkii ugu horeeyey ee labadan mataanaha ah lagu kala saarayey lagu arkay kala goysyada madaxooda.

Waxaana qaliinkii labaad lagu darsay habka dhiigu maro ee midba midka kale ay ugu gudbiso.

Taas oo aakhirkii keentay in lagu guulaysto qalinkaasi oo si badqabta labadaasi hablood ee yaryar loogu kala jaro Madaxa oo ay iskaga yaaleen, inkastoo markii dambe uu digtoorku ku dhawaaqay in markii ay kala qaybiyeen in Safa uu dhiiga madax kaga furmay maadaama oo ay wayday lakab.

Waxaanu Marwa intii uu qaliinku socday ay iyaduna ay wayday in wadnaheedu ay hoos u dhaco, waxaana lagu dhawaaqay in labada mataanood ay hal laf ah ay isticmaalayeen oo madaxooda ku daboolnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.