Netanyahu Oo Ku Dhawaaqay In Ciidamada Kaliya Ee La Dagaalami Kara Iran Ay Yihiin Kuwiisa

Tel Vive, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Israel ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Israel (IDF) inay yihiin ciidamada kaliya ee aduunka ah ee u diraansan inay la dagaalamaan dalka Iran.

“Wakhti xaadirkan, ciidanka kaliya ee aduunka ee la dagaalami kara Iran – waa ciidamada Israel,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu xili uu la hadlayey xubno ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka Israel, sida ay baahisay warbaahinta the Jerusalem Post.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha dalka Israel waxa uu mar kale ku celiyey doorkiisii ku aadanaa ee uu kaga soo horjeeday heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee Iran lala galay sanadkii 2015-kii, kaas oo tilmaamay in heshiiskaasi uu Iran oo kaliya uu siinayey Boqolaal billion oo dollar si ay ugu maalgaliso dhismaha boqortooyadeeda iyo inay jidka ugu xaadho xudunta Nuclear-keeda.

“Kaligayn ayaan ku ahaa dagaalkii lagu joojinayey heshiiskii Nuclearka,” ayuu yidhi Netanyahu, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan dagaal ka galayaa, dhamaan quwaduhu haday ka soo horjeestaan Madaxweynaha dalka Maraykanka – Waxaan tagi doonaa Aqalka Congress-ka.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.