Saddex Qof Oo Argagixiso Looga Shakiyey Oo Lagu Dilay Lamu

Lamu, (HCTV) – Saddex qof oo Argagixiso looga shakiyey ayaa lagu dilay deegaanka Lamu oo ka tirsan dalka Kenya, sidoo kale laba Askari oo ka tirsan ciidamada Bileyska dalkaasi Kenya ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaafwareegayey xadka dalkaasi oo walxahaasi qaraxa lagula beegsaday deegaanka Kiunga oo wax yar uun u jirta degmada Lamu.

Sida ay sheegayaan ciidamada Bileyska ee dalkaasi ayaa sheegay in xubno argagixiso ahi ay ku lug leeyihiin weerarkaasi walxaha qaraxa loo adeegsaday ee lagu waxyeeleeyey ciidamada xadka ee dalka Kenya, sidoo kale masuuliyiinta deegaankaasi ayaa ku eedeeyey weerarkan kooxda mayalka adage e al-shabaab Mujahideen inay ku soo qaadeen halkaasi.

Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay maalintii shalay inay ka dambeeyeen weerar ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Mudug.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.