Dawladda Turkiga Oo Heshiis Ganacsi La Saxeexanaya Kenya

Nairobi (HCTV) – Dawladaha Turkiga iyo Kenya ayaa kala saxeexaya heshiis ganacsi oo laba geesood ah, sida uu Caddeeyay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Kenya.

Safiirka Turkiga ee Kenya ayaa sheegay in labada dal ku heshiiyeen inay kala saxeexdaan heshiisyo ku saabsan Cashuuraha ka dhalanaya Ganacsiga dhex mari doona.

Safiir Ahmet Cemil Miroglu ayaa yidhi “Labada Waddan waxay diyaar u yihiin inay xaqiijiyaan Fursadaha Maalgeshi iyo Ganacsi..” Waxaanu intaa ku daray in Heshiisyada labada dhinac kala saxeexanayaan dhici doono dhammaadka Sannadkan, 2019-ka

“Madaxda labada Waddan, hore ayay isku waydaarsadeen Waraaqaha Heshiiska Cashuuraha, Saxeexuna wuxuu dhici doonaa dhammaadka Sannadkan 2019-ka” ayuu yidhi, Safiirka Turkiga ee Kenya Mr. Miroglu, waxaanu intaa sii raaciyey in la raadinayo Hab alaabooyinka Kenya loogu iibiyo Turkiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka