“Turkigu Wada Haysan Maayo Diyaaradaha F-35 Iyo Gantaalada Ruushka Ee S-400” Mark Esper

Washington, (HCTV) – Ninka Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu la doonayo inuu noqdo xoghayaha difaaca ee dalkaasi Maraykanka oo la yidhaa Mark Esper, ayaa cambaareeyey go’aanka dawladda Turkigu ay dalka Ruushka kaga iibsatay hanaanka difaaca Gantaalada ee S-400, taas oo maalmihii u dambeeyey Aqalka Cad ee dalka Maraykanku aanu ka hadal talaabadaasi.

Masuulkan la filayo inuu noqdo Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka oo dhawaan ka soo hormuuqday guddida dhinaca Ciidamada u qaabilsan aqalka Sanadka ayaa sheegay in talaabadaasi ay dawlada Maraykanka iyo gaashaanbuurtooda NATO ay aad uga walaacsan yihiin.

“Waxa aanu barbar taaganahay isbahaysigayaga NATO, balse go’aankooda ku wajahan gantaalada S-400 waa mid khaldan,” ayuu yidhi Esper.

Hadalkan ka soo yeedhay masuulkan loo wado inuu noqdo Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka ayaa imanaya maalin ka dib markii Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu cadeeyey in dufcadii ugu horaysay ee qalabka hanaanka difaaca gantaalada ah uu soo gaadhsiiyey dalka Ruushku, maalmaha soo socdana ay dhamaystirmi doonaan, inkastoo dalka maraykanku uu ku celceliyey in heshiiskaasi laga noqdo ama ay la kulmi doonaan ciqaab xun.

“Waxa noo bilaabanatay in aanu qaabilno gantaaladayada S-400. Waxaanan Illaahay ka rajaynaynaa in meelihii loogu talo galay aanu ku rakibi doono bisha April ee 2020-ka,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.