Maraykanka Oo IRAN Ku Tuhmaya Markab Imaaraadku Leeyahay Oo La La’yahay

 

UAE (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa ka wer-wersan in Markab Shidaal oo Imaaraadku leeyahay oo lagu waayay badda Iran ay qabsatay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN.

Markabkan oo Magaciisu yahay Riah ayaa markii ugu dambaysay ee la arkay ahayd Horraantii toddobaadkan, xilligaas oo dhex istaagay Biyaha Badda IRAN.

Masuuliyiin ka mid ah Waaxda difaaca ee Dawladda Maraykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee AP u sheegay in Maraykanku ka ‘Wer-wersan yahay in IRAN qabsatay Markabkaas’

Sarkaalka ka midka ah Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in Sababta keentay inay IRAN ku tuhmaan Markabkaasi ay tahay in xilliga Markabka la waayay uu marayey Biyaha badda ee IRAN, gaar ahaan meel u dhow Jaziiradda Qeshm, halkaasi oo Saldhig u ah Ciidammada ilaalada Kacaan IRAN.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka