Dawladda Cambodia Oo Maraykanka Iyo Kanada Ku Celinaysa 1,600 Tan Qashin Ah

Cambodia (HCTV) – Dawladda Dalka Cambodia ayaa noqotay Dalkii ugu dambeeyay ee Aasiyaan ah ee diida in loo soo dhoofiyo Qashinka ka soo hadha Alaabooyinka ay isticmaalaan Shirkadaha reer Galbeedku.

Madaxda Dawladda Cambodia ayaa Arbacadii Shalay ku dhawaaqay inay Kanada iyo Maraykanka u dirayaan ama ku celinayaan 1,600 Tan oo Qashin ah oo ay markii hore iyagu halkaa keeneen.

83 koontiinnarada waaweyn ee Maraakiibtu qaaddo oo qashin Caagado ah ayaa Salaasadii laga helay Dekedda Sihanoukville, sida ay sheegeen Neth Pheaktra oo ah Xoghayaha Dawladda iyo Afhayeenka Wasaaradda deegaanka Cambodia.

Dawladda Cambodia ayaa baadhaysa sida ay Koontiinnarada intaasi leeg ku soo gaadheen Dalkeeda iyo Shirkadaha ka shaqeeyay  soo dhoofintooda, hadday Caddaato waxa la hor-geynayaa Maxkamadda, sida uu sheegay Pheaktra.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Federaaliga ah ee Cambodia waxay bilaabaysaa sidii ay qashinkan ugu diri lahayd Dalalkiii markii hore looga soo dhoofiyey oo ahaa Maraykanka iyo Kanada.

“Cambodia Qashin-qub uma ah Dalalka shisheeye..” ayuu yidhi, Xoghaye Pheaktra

Tani waa tii ugu dambaysay ee ku saabsan Qalalaasaha Adduunka ee dhanka Qashinka ee la xidhiidha Qashinka Electronic-ga ah, Plastic-ga iyo noocyada kale ee Qashinka ka yimaadda dalalka reer Galbeedka ee Maraakiibtu keenayaan Koonfur-bari Qaaradda Asia.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka