Sawirro: Madaxweynaha Somaliland Iyo Wakiilka Midowga Yurub Ee Soomaaliya Oo Is-bartay

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wad- hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.