Pakistan Oo Xidhay Wadaad Hindiya Ku Eedaysay Weerar Ay Ku Dhinteen 165 Qof

Pakistan (HCTV) – Ciidammada Booliska ee dalka Pakistan ayaa Xabsiga u taxaabay Hafiz Muhammad Saeed, kaasi oo ah Aasaasaha urur magaciisu yahay Lashkar-e-Taiba (LeT), isla-markaana hubaysan.

 Wadaadkan  ayaa waxa Arbacadii Xidhay Ciidammada la dagaalanka Aragagixisada ee Pakistan, waxayna ka xidheen Magaalada Kamoke oo qiyaastii 50KM Waqooyi ka xigta Caasimadda labaad ee Pakistaan ee Lahore, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka urur u dhaqdhaqaaqa Hawlaha Bani-aadamnimo oo Wadaadka la xidhay Madax ka ahaa.

Afhayeenka ururka labaad ee Wadaadka la xidhay Madaxda ka yahay Nadeem Awan ayaa sheegay in Xadhigga Hafiz Muhammad Saeed uu Salka ku hayo Lacag ururin uu sameeyay “Kiiska isaga loo haystaa wuxuu xidhiidh la leeyahay Lacag ururin..”ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Ninka la xidhay waxaanu sheegay in lagu eedeeyay in Lacagta uu ururiyey ku Maalgelinayo Argagixisada.

Ururka JuD wuxuu sheegay “Waxaanu tagaynaa Maxkamadda sare, waxaanuna sii wadaynaa inaanu Sharciga u adeegsano Dagaalka Cadaalad-darrada ah ee Annaga naga dhanka ah..”ayuu yidhi, Afhayeenku.

Saeed ayaa hore u sheegay inuu Lashkar-e-Taiba (LeT) aasaasay, balse aanu wax door ah ku lahayn ilaa sannadkii 2008-dii oo Dawladda India ee Pakistan jaarka la ahi ku eedaysay inuu ahaa Maskaxdii ka dambaysay Weerar Argagixiso oo lagu qaaday Magaalada Mumbai, kaasi oo lagu dilay 165 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka