Dawladda Uganda Oo Shahaadooyinka Dhalashada U Samaynaysa Lo’da

Uganda (HCTV) – Dawladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay qorshaynayso inay diwaangeliso dhamaan Beeralayda iyo Xoolahooda, waxaase xusid mudan in waxyaabaha Dawladdu qorshaynayso ay ka mid tahay inay bixiso shahaadooyinka dhalashada ee Xoolaha, gaar ahaan Lo’da, si loo raad-raaco wax soo-saarkooda.

Warbaahinta East African ayaa soo werisay in Wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Uganda Vincent Ssempijja uu sheegay siday muhiimka u tahay in wax soo-saarkoodu la jaan-qaado ka Dalalka kale ee Adduunka.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Dalalka Adduunka oo dhami soo saaraan Cunto, laakiin baahida Suuqa Caalamiga ah ee Yurub kordhayso, laakiin ay u baahan yihiin Cunto leh Raad-raac oo la hubo.

“Waxay doonayaan inay ogaadaan halka uu ka yimid Hilibka iyo wax soo-saarka Midhuhu..” ayuu yidhi, Wasiirka Beeraha ee Uganda oo ka hadlayey Bandhigga Qaran ee Beeraha oo ka dhacay Jinja oo Koonfurta Uganda ku taalla.

“Beeralayda waalla diwaangelinayaa, iyaga iyo Wax soo-saarkooda, Waayo? haddaan Beeralaydu is-diwaangelin si Macno leh ugama qayb-geli karno Suuqyada..”

Wasiir Ssempijja wuxuu intaa ku daray inay waajib tahay in dhammaan lo’da la diwaangeliyo, lana siiyo Shahaadooyinka dhalashada’.

“Lo’leyda, waxa la idiin diwaangelinayaa sida Beeralayda oo kale, Lo’da waalla diwaangelinayaa, Lambar baa loo samaynayaa, waana inay yeeshaan Shahaadooyinka dhalashada, maxaa yeelay Dadka loo dhoofinayo Wax soo-saarkayagu waxay dalbanayaan hilibka lo’da da’deedu u dhaxayso 15 illaa 24 bilood.” ayuu yidhi Wasiirku.

Bisha September ee sannadkan, waxa dalka Uganda gaadhaya baadhayaal ama odhat ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo halkaa u tagaya inay hubiyaan wax soo-saarka Uganda ee Yurub loo dirayo.

Madaxa Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Uganda, Antonio Querido ayaa sheegay in Uganda doonayso  in tix-raac loo sameeyo xoolaha si ay suuqyada Caalamiga ah uga iib galaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka