WHO Oo Ka Wer-wersan Cudurka Ebola Oo Mar Kale Ka Dillaacay Congo

Congo (HCTV) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqaday in Cudurka halista ee Ebola uu ka dillaacay dalka Congo.

“Waa Xilligii adduunka la ogaysiin lahaa..” ayuu yidhi, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus oo qoraal soo saaray “Waxaynu u baahan nahay inay si wada jir ah ula shaqayno Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo una joojino Xanuunkan dillaacay..”

Xanuunkan Ebola oo ka mid ah Xanuunnada sida deg-degga ah u faafa ah ayaa waxyeelo badan gaadhsiiyey qaybo badan oo ka mid ah galbeedka Afrika intii u dhaxaysay 2014 illaa 2016-kii.

Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah iyo Ururrada bilaha Cas ayaa soo dhaweeyay yeedhmada WHO ee ah in laga wada qayb-qaato ka hor tagga Cudurka Ebola ee ka dillaacay Congo.

Hay’adda WHO ayaa isticmaashay Qaylo-dhaan muujinaysa khatarta soo korodhay ee Xanuunka ka dillaacay Congo, qaylo-dhaantaasi oo loo isticmaalo xaaladaha deg-degga ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka