Xildhibaan Senate-ka Ka Tirsan Oo FBI-da Ugu Baaqay In La Baadho FaceApp

Washington, (HCTV) – Xildhibaan Chuck Schumer oo ka tirsan aqalka Senate-ka dalka Maraykanka ayaa hay’adda FBI-da dalka Maraykanka ugu baaqay inay baadho FaceApp, kaas oo dad badan oo dalka Maraykanku ay mudooyinkii u dambeeyey si weyn ugu isticmaalayeen in sawirkooda ay uu ugu ekaysiiyo qof da’ ah iyo ama qof yar.

Warqad uu soo dhigay Twitterka, Mr Schumer ayaa ugu yeedhay FaceApp-kaa “Mid Aad Looga walwalo”, in macluumaadka muwaadiniinta maraykanku uu gacanta u galo cadow dibadeed oo awood leh.

Waxaanu xildhibaantu uu iftiimiyey in walaaca gaar ahaaneed ee uu arintaasi ka qabo ay tahay in shirkadd dalka Ruushka laga leeyahay ay develop-garaysay app-kaa intii aanu maalmihii u dambeeyey aanu saamayn yeelan.

Inkastoo FaceApp ay marar hore beenisay eedo loo jeediyey. Isla markaana aanay sawirada si rasmi ah kayd u galin oo aan maclumaadka sawirka App-kaasi mara aan la kaydin.

“Ma cada in tilmaantani ay khatar ku leedahay xogta gaarka ah ee qofka, balse waxa faa’iidada lihi waxa weeyi in laga fogaado abkan iyo khatartiisa,” sidaasi waxa yidhi Bob Lord oo ah sarkaal amaanka ka tirsan oo la hadlay warbaahinta.

Hase yeeshee shirkaddu waxa ay sheegtay in ku dhawaad 80 million ay isticmaalaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.