Xulka Algeria Oo Ku Guulaystay Koobkii Qaramada Afrika

Qaahira (HCTV) – Waxa Caawa la soo gebogabeeyay Tartankii Kubadda Cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika, kaasi oo ka socday Dalka Masar.

Waxa is haleelay kooxaha Qaramada Algeria iyo Senegal oo isugu soo hadhay Final-ka ama Ciyaarta kama dambaysta ah, waxaana guushu raacday oo Koobtii Qaramada Qaaradda Afrika qaaday Dalka Algeria, kaasi oo 1:0 kaga bediyey Xulka Senegal.

Ciyaaryahanka Djamel Belmadi ayaa daqiiqadihii ugu horreeyay ee qaybta hore ee Ciyaarta Algeria u dhaliyey halka gool ee ay kaga badisay dhiggeeda Senegal.

Waa Markii labaad ee Algeria qaaddo Koobka Qaramada Afrika (Afcon), waxayna hore u qaadday sannadkii 1995-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka