Dhulgariir Ruxay Caasimada Giriiga Iyo Dadka Oo Wadooyinka U Yaacay

Athens, (HCTV) – Dhulgariir xoog badan ayaa ruxay caasimada dalka Giriiga ee Athens maanta oo jimce ah, kaas oo dad badan ku khasbay inay guryahooda ka yaaqaan oo ay wadooyinka u cararaan.

Dhulgariirkan ka dhacay dalka Giriiga oo cabirikiisa lagu qiyaasay 5.1 magnitud, kaas oo xuduntiisu ay ahayd meel 23 kilometers caasimada kaga beegan dhinaca waqooyi-galbeed oo u dhow Magoula, sida ay sheegtay hay’adda la socoshada dhulgariirada ee dalka Giriiga.

Dhul gariirkan ka dhacay dalka Giriiga si weyn looga dareemay, waxaana telefishanada dalkaasi ay baahiyeen muuqalo la duubay oo ku saabsanaa ruxanka dhulgariirku keenay iyadoo la arkayey miisaaska iyo buugaagta kabadhada lagu raseeyo oo soo daadanaya.

Hase yeeshee Wasiir dawlada u qaabilsan daryeelka muwaadiniinta ayaa sheegay in laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah loo diray sidii ay qiimayn ugu soo samayn lahaayeen heerka khasaaruhu intuu leegyahay meelaha uu dhulgariirku ku xooganaa. Balse aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo uu gaadhsiiyey caasimada dalka Giriiga ee Athens dadka ku nool.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.