Boqolaal Haween Ah Oo Ka Yimaada Afrika Iyo Asia Oo Lagu Tababarayo Imaaraadka Carabta

Dubai, (HCTV) – Boqolaal haween ah oo iskaga kala yimid dalalka ay dagaaladu saameeyeen ayaa la tababari doonaa si ay u noqdaan nabad ilaaliyeyaal, kuwaas oo ay tababari doonaan ciidamada Imaaraadka Carabtu sanadkan soo socda.

Haweenkan ka yimid dalalka Afrika iyo Asia ayaa mari doona tababaro la xidhiidha dhinaca daweynta iyo tababaro ku saabsan goobaha dagaalka ka hor inta aanay dib ugu noqon dalalkii ay ka yimaadeen, waxaana mashruucaasi uu qayb ka yahay barnaamij ay wado Qaramada Midoobay oo lagu abuurayo ciidamo nabad-ilaalin ah oo muhiim u ah dalalka aan daganayn.

Marka ay dhamaystaan tababarkana, waxa dumarkan loo diri doonaa goobaha milatariga iyo shacabka si ay hawlahaasi uga taageeraan, isla markaana ay difaacaan xuquuqda haweenka iyo inay gacan ka geystaan hoos u dhigida gaboodfalada dhinaca galmada ee loo geysto haweenka.

Barnaamijkan Qaramada Midoobay ayaa sanadkan soo socda lagu keeni doonaa kadib marka ay heshiiska wada saxeexaan Wasiirka Difaaca, Qaramada Midoobay iyo Gudooiyaha Midawga Haweenka.

“Imaaraadka carabtu waxa uu taageeri doonaa xoojinta iyo awoodaynta dumarka,” sidaasi waxa yidhi Sheikh Abdullah bin Zayed, oo ah Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Unuga ugu horeeya oo ka kooban 134 female oo iskaga kala yimid todoba dal oo Carab, ayaa lagu tababari doonaa Abu Dhabi sanadka. Waxaanay dhamaysan doonaan babarka aasaasiga ah ee milatariga oo saddex bilood ah, iyo laba todobaad oo ay baran doonaan casharo ku saabsan nabad-ilaalinta, waxaanay qalinjabin doonaan bisha May 10-keeda.

Sidoo kale dufcada labaad ayaa iyaguna ka koobnaan doona 400 dumar ah oo iskaga kala yimaada 10 wadan oo ku yaala qaaradaha Asia iyo Africa waxaanu jadwalka tababarkoodu noqon doonaa inuu uga bilaabmo Abu Dhabi bisha January.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.