Boqorka Sucuudiga Oo Meelmariyey Martigalinta Ciidamada Maraykanka

Riyadh, (HCTV) – Boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa qalinka ku duugay in dalkiisu uu martigaliyo ciidamada dalka Maraykanka si kor loogu qaado xasiloonida iyo amaanka gobolkaasi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalkaasi ee SPA.

Waaxda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay iyaduna waxa ay ku cadaysay talaabadaasi, oo ay ku sheegeen in ciidamo Maraykan ah la gayn doono dalka Sucuudi Carabiya si ay dalkaasi uga ilaaliyaan khataro la sheegay inay ku soo fool leeyihiin.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxaysa Washington iyo Tehran ee ka oogan gacanka Carabka oo ah suuqa saliida aduunka.

Maalintii shalay ayay ahayd markii dawlada Iran ay marin biyoodka Hormuz ay ka qabsatay Markab ku gooshayey calanka dalka Britain, waxaanay sidoo kale Iran ay diiday talaabo dawlada Maraykanku ay ku sheegatay in ciidamada badda ee dalkeedu ay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo dalka Iran uu leeyahay.,

Go’aankan dalka Sucuudigu uu ku martigalinayo ciidamada dalka Maraykanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay “in kor loo qaado oo la iska kaashado difaaca amaanka iyo xasiloonida gobolka, si loo ilaaliyo nabada’ sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA oo soo xiganaysa saraakil ka tirsan waaxda difaaca oo aan macluumaad intaa ka badan bixin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.