Maraykanka Oo Ciidamo Ilaaliya Sucuudiga U Diraya, Xili Xiisada Gacanku Laba Kaclaysay

Washington, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamo milatari ah ay ku hubaynayso dalka Sucuudiga Carabiya, sida ay sheegtay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka, waxaanay talaabadani ku soo beegmaysaa xili laba kaclaysay xiisada ka oogan gacanka ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran.

Waaxda Gaashaandhiga Maraykanku waxa ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay jimcihii shalay in ciidamo Maraykan ah la gayn doono dalka Sucuudi Carabiya si ay dalkaasi uga ilaaliyaan khataro la sheegay inay ku soo fool leeyihiin.

Sidoo kale Talaabadan dalka Maraykanku uu ciidamada ugu dirayo dalka Sucuudiga ayaa waxa ogolaaday Boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, kaas oo dalkiisu uu martigalinayo ciidamada dalka Maraykanka si kor loogu qaado xasiloonida iyo amaanka gobolkaasi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalkaasi ee SPA.

Talaabadan dalka Maraykanku ciidamada ugu dirayo Sucuudiga ayaa ujeedadiisa lagu sheegay “in kor loo qaado oo la iska kaashado difaaca amaanka iyo xasiloonida gobolka, si loo ilaaliyo nabada’ sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA oo soo xiganaysa saraakil ka tirsan waaxda difaaca oo aan macluumaad intaa ka badan bixin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.