Lamaane Wada Noolaa 71 Sanadood Oo Isku Maalin Geeriyooday

USA (HCTV) – Xilligan Casriga ah ee xidhiidhka Dadka dhex mara iyo Ballamahaba laga sameeyo Internet-ka, way adag tahay in la helo Sheeko Jacayl ah oo Ruuxdaadu ka hesho ama ku diirsato.

Laakiin, waxa jiray Lamaane ku siinaya rejo ah inuu weli jiro Jacaylkii runta ama dhabta ahaa.

Sida Sheekada Jacayl ee Herbert DeLaigle oo 94 jir ah iyo Marilyn Frances DeLaigle oo 88 jir ah.

Lamaanahani waxay geeriyoodeen Jimcihii, ka dib 71 Sanadood oo ay is-qabeen isla-markaana wada noolaayeen, sida uu baahiyey Telefiishanka CNN.

Lamaanahan Sheekadooda Jacaylka ahi waxay bilaabantay 72 Sanadood ka hor, ka dib markii Frances oo Shaqayn jirtay Goob bunka laga cabbo ay isku barteen DeLaigles oo Macmiil u ahaa Meheradda Bunka.

“Frances ayaa ka shaqayn jirtay meel yar oo Cafee-ga laga cabbo oo ku taalla Waynesboro..” ayuu yidhi, Herbert DeLaigle oo Waraysi laga qaaday sannadkii 2018-dii “Markaan soo gelayo iyo markaan baxayaba waan eegi jiray, indhahayguna kamay jeedsan jirin..” ayuu hadalkiisa raaciyey, “Ugu dambayn, waan ku dhiiraday inaan iyada waydiiyo inay wakhti u siiso..”

Lamaanahani, waxay sheegeen in Ballantoodii koowaad inay soo wada daawadeen Filim, hal sano ka dibna wuxuu DeLaigle uu  waydiiyey Frances inay noqon karto Xaaskiisa.

Marilyn DeLaigle, lix sano ayay Dalka Jarmalka la joogtay Ninkeeda dagaalkii labaad ee Adduunka.

Lamaanahan ayaa Ifka kaga tagay 41 Carruur ah oo waxay dhaleen iyo wixii ay sii dhaleen ah.

Lamaanahan ayaa ku noolaa Waynesboro oo ah degmo taariikhi ah oo ku taalla Goergia, Dalka Maraykanka.

Geerida lamaanahan is jeclaa ayaa waxa u dhaxaysay 12 Saacadood.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka