Mudaharaad Ka Socda Magaalada Caynaba

Caynaba (HCTV) – Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland ayaa waxa Saaka ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmoooyinka oo Shalay ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Dadweynaha Mudaharaadka samaynaya oo taayiro ku gubaya Waddooyinka Magaalada Caynaba, iyagoo muujinaya inay ka xun yihiin in Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Baarlamaanku ansixiyey uu Caynabo ka dhigay derajada saddexaad ee Magaalooyinka (C).

Weriyeyaasha ku sugan Caynaba ayaa sheegaya in Dadka Mudaharaadka samaynaya ay sheegayaan in Golaha Wakiilladu baal-mareen soo jeedin ballan-qaad uu Madaxweynuhu hore ugu sameeyay Reer Caynaba, kaasi oo ahaa in Degmada Caynaba laga dhigayo Derajada (B).

La Soco Warkan oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka