Nin Dusha Ka Fuulay Baalka Diyaarad Inay Kacdo Isku Diyaarisay

Lagos (HCTV) – Nin ayaa naftiisa halis geliyey, ka dib markii uu diyaarad isku diyaarisay inay kacdo uu mid ka mid ah Baalasheeda dul fuulay.

Diyaaradda Ninku baalkeeda dul fuulay ayaa ka kacaysey Garoonka diyaaradda ee Caasimadda Nigeria ee Lagos, laakiin Ninkaasi markii dambe waalla qabtay isla-markaana la xidhay sida laga soo xigtay Masuuliyiinta.

Muuqaal ay duubeen Dadka Rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa muujinaya Ninka oo Baalka diyaaradda ee uu fuushan yahay hadba dhinac u dul socda, taasi oo cabsi gelisay Dadka Rakaabka sida Warbaahintu sheegayso.

Ninkan oo aan weli la shaacicin Jinsiyaddiisa, Magaciisa iyo sababta uu naftiisa halista u geliyey, ayaa la sheegay inuu doonayey inuu galo meel ka mid ah diyaaradda oo qarsoon, laakiin awood uma helin.

Qoraal ay soo Saartay shirkadda diyaaradaha ee Azman Air ayaa lagu sheegay in duuliyadaha Diyaaraddu uu diyaaradda bakhtiiyey markii uu arkay Ninka saaran Baalka diyaaradda oo dabcan mishiinkuna ku hoos yaallo.

Shilkan oo dib u dhac ku keenay Rakaabka ayaa dhacay Jimcihii Toddobaadkan.

Sannadkan waxa soo badanaya Dadka naftooda halista gelinaya ee Diyaaradaha ku dhuumanaya.

Bishii hore waxa Meydkiisa London laga helay Ruux diyaaradda Kenya Airways ku dhuuntay, gaar ahaan halka ay taayirka gashato.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka