Puntland Oo Eedo Dusha U Saartay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Garoowe, (HCTV) – Maamul goboleedka Puntalnd ayaa eedo culus dusha u saaray madaxda dawladda Federalka ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Puntland.

Waxaana lagu sheegay in Dawladda Puntland ay ka walwalsan tahay hab-dhaqanka hogaamineed ee madaxda dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si cad uga hor imanayaan, geeddi socodka in dalka ay ka hirgasho dawladnimo ku salaysan qawaaniinta iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale Maamulka Puntland waxa uu ku eedeeyey Madaxda xukuumada federaalka ah inay si joogto ah ugu hawlan yihiin burburinta dowladdaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya iyo inay qaadayaan ficilo iska horkeenaya shacabka Soomaaliyeed oo waxna u dhimaya midnimadooda, sida hadalka loo dhigay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Madaxda xukuumada federaalku ay hareermareen hab-qaybsiga deeqaha caalamku ku bixiyaan horimarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimada, iyagoo si badheedh ah ugu adeegsada qoondada deeqaha inay ku burburiyaan maamulada, dalkana kaga abuuraan xasilooni darro si ay u gaadhaan dano-gaaban oo ku aadan doorashooyinka 2020-2021.” Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Maamul goboleedka Puntland.

Waxaanu Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan:-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.