Weerar Ismiidaamin Ah Oo Dad Badan Ku Dilay Pakistan

Pakistan (HCTV) – Ugu yaraan 8 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan Axadda Maanta.

Qaraxan sidoo kale waxa ku dhaawacmay 26 Ruux, sida ay xaqiijiyen Masuuliyiinta Dalka Pakistan.

Qaraxan Dadku ku dhinteen ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Tehrik-i-Taliban Pakistan.

Ururkan oo sidoo kale loo yaqaano Pakistani Taliban, taasi oo Dhaqdhaqaaq ka wadda Xuduudka labada Waddan ee Pakistan iyo Afghanistan.

Madaxa ayaa sheegaya in Weerarku dhacay, ka dib markii laba Askari lagu dilay Bar kaantarool oo dibedda ka ah Magaalada Qaraxu ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in Qofka is-qarxiyey xidhaa Xijaab, taasian keentay in laga shaki waayo Qofka dhibaatada Maaganaa.

Salim Khan oo ka mid ah Saraakiisha Boolisku ayaa isaguna sheegay in Rag hubaysan oo saarnaa Mootooyin ay rasaas ku fureen boolis joogay meel la deggan yahay, halkaana ay ku dhinteen Laba Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka