Kooxda Al-Shabaab Oo Sheegatay Qarax 7 Qof Ku Dilay Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Inta la xaqiijiyey 7 Ruux ayaa ku Geeriyooday Qarax Maanta ka dhacay koontaraalka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo gubay kaalin shidaal oo ku dhow halka laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee KM4, ayaa la sheegay inay ku Geeriyoodeen 7 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 26 Qof.

Kooxda Al-shabaab oo Masuuliyadda Qaraxan sheegatay ayaa sheegtay in Bartilmaameedkoodu ahaa Kaantaroolka laga galo Madaarka Muqdisho, halkaasi oo xilligaa lagu baadhayey Gaadiidka qufulan ee aanay Xabaddu karin.

Waxa kale oo Al-shabaab sheegtay in sababta ay Kaantaroolka u Qarxiyeen ay ahayd inuu fadhiisin u yahay Ciidammada amniga ee ilaalada u ah Hay’adaha Ajaanibka ah ee dhex deggan Madaarka Muqdisho.

Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo markii dambe halkaa gaadhay ayaa xidhay Goobta isla-markaana baadhitaan ka bilaabay, welina kama hadal Qaraxa, laakiin Dad goob-joogeyaal ah ayaa laga soo xigtay tirada Dadka halkaa ku Geeriyooday, kuwaasi oo lagu sheegay inay ahaayeen 7 Ruux, halka dhaawucuna gaadhayo illaa 26 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka