Qarax Ka Dhacay Kantaroolka Garoonka Diyaaradaha (KM4) Ee Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax goor dhaweyd ka dhacay koontaraalka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimaadda Muqdisho, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga dareemay qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho, iyagoo la arkayay uuro cirka isku shareertay, inkastoo aan si dhab ah loo ogayn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale ma Ma cadda ilaa hadda nooca uu qaraxu ahaa, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa inuu ka dhashay, sidoo kale waxaan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ciidammada amniga oo markiiba gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xidhay waddooyinka laga soo galo goobta uu ka dhacay, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.