Wasiirka Maaliyada Kenya Iyo Saraakiil Kale Oo Xabsiga La Dhigay

Nairobi, (HCTV) – Wasiirka Maaliyada Henry Rotch iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan waaxda maaliyada iyo lacagta ee dalka Kenya ayaa loo xidhay eedo musuqmaasuq iyo lunsi lacago la xidhiidha mashaariic malaayiin dollar ah oo dalkaasi lagaga dhisayo dhaamam waaweyn, sida ay bileysku sheegeen.

Wasiirka Maaliyada Mr Rotich, xisaabiyihii iyo agaasimihii maamulka deegaanka ee Kenya ayaa iyaguna ka mid ah masuuliyiinta la xidhay, kuwaas la sheegay in si iskood ah ay isugu soo dhiibeen bileyska maanta oo Isniin ah, saacado ka dib markii Dacwad Oogaha dalka Kenya uu amray xadhigooda.

Dadka la xidhay ayaa tiradooda lagu sheegay 27 sarkaal oo sarsare, waxaanay xabsiga ku jiri doonaa ilaa inta loo qaadayo Maxkamada, sida uu Taliyaha Bileyska George Kinoti uu u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP.

Xadhiga Rotich ayaa hoosta ka calaamadin doona markii u horaysay ee Wasiir Kenyan ah loo xidho eedo la xidhiidha musuqmaasuq tan iyo intii dalkaasi Musuqmaasuqu uu xadhkaga goostay.

Eedaha loo haysto ee ka yimid waaxda baadhista bileyska ayaa waxa ku jira inuu si khaldan u isticmaalay kharashaadkii loogu talo galay mashruuc biyo-xiidheen ay maamusho shirkadd Talyaani ahi.

Inkastoo Mr Rotich uu diiday, isla markaana uu warbaahinta ka sheegay in aanu wax khalad ah samayn oo uu wargeysyada ugu waaweyn dalkaasi uu ku xayaysiiyey bishii March mashruucaasi. Sidoo kale shirkada Talyaaniga ayaa iyaduna dhinac iskaga leexisay inay wax khalad ah samaysay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA