AKHRI: 11 Qof Oo Ku Geeriyooday Iska Hor-imaadyada Shiicada Nigeria Iyo Booliska

Abuja (HCTV) – Weriye ka soo warramay iska hor-imaadyada Ciidammada Amniga ee Nigeria iyo Koox Shiico ah oo ka socda Abuja ayaa la xaqiijiyey inuu Geeriyooday.

Laakiin, Geeridu Weriyaha oo keliya kuma koobna, balse waxa la xaqiijiyey inay Boolisku toogasho ku dileen illaa 8 Qof oo ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Nigeria (IMN), kuwaasi oo rabshadaha u samaynaya in la soo daayo Hoggaamiyahooda Ibrahim el-Zakzaky oo xidhan illaa sannadkii 2015-kii.

Waxa kale oo iska hor-imaadka Booliiska iyo Kooxda Shiicada ah ee IMN lagu dilay Sarkaal khuburo ah oo halka dhibaatadu ka taagan tahay loo geeyay inuu caawiyo Ciidammada amniga, sida Boolisku xaqiijiyey.

Kooxda IMN ayaa sheegtay in intii rabshaduhu socdeen ay qaateen Meydadka illaa lix kooxdooda ka mid ah oo boolisku toogtay, taasina qayb ka tahay korodhka Dhimashada.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in 11 ka mid ah Xubnahayagu dhinyeen intii lagu jiray mudaharaadkii Shalay..”ayuu yidhi, hoggaamiyaha xilligan ee kooxda IMN, Abdulhamid Bello oo la hadlay Telefiishanka Al-jazeera.

Weriye Precious Owolabi oo Warbaahin Maxali ah u shaqaynayey ayaa Rasaas habow ahi kaga dhacday Caloosha, taasi oo keentay inuu Geeriyoodo.

Weriyaha ayaa da’diisu ahayd 23 Jir.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka