Kuuriyada Koonfureed Oo 360 Gantaal Oo Digniin Ah Ku Riday Diyaarado Hawadooda Soo Galay

S/K (HCTV) – Millateriga Dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku soo xad-gudubtay hawadooda ay ku rideen Rasaas digniin ah.

Saraakiisha Millateriga Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in diyaaradda Ruushka laga leeyahay ay laba jeer ku soo xad-gudubtay Hawadooda, intaana ay iyagu ku ridayeen Rasaas ay ugu sheegayaan inay ka jirto hawo dal kale oo ay ka baxdo, balse Diyaaradaha ku soo xad-gudbay Hawada kuuriyada Koonfureed aanay ahayn kuwa Ruushka oo keliya, balse ay laba diyaaradood oo Shiinaha laga leeyahayna ay ku soo xad-gudbeen hawada Kuuriyada Koonfureed.

War ka soo baxay Madaxtooyada Kuuriyada Koonfureedna waxa lagu sheegay in jawaab culus ay la kulmi doonaan Ruushku, haddii tan oo kale dib u dhacdo.

Halka, Wasiirka Difaaca ee Kuuriyada Koonfureed uu sheegay in diyaaradahooda oo deg-deg hawl-gal u sameeyay ay diyaaradaha ku soo xad-gudbay hawadooda ku rideen illaa 360 Gantaal oo digniin ah.

Kuuriya waxay sheegtay in diyaaradaha oo laba uu Shiinuhu leeyahay ku soo xad-gudbeen Hawada Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan aagga (Kadiz).

Laakiin, Ruushka ayaa beeniyay inay diyaarad ay leeyihiin ay ku soo xad-gudubtay hawada Kuuriyada Koonfureed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka