Duqa Muqdisho Oo Qarax Ku Dhaawacmay

Muqdisho (HCTV) – Qarax ayaa ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii sida la sheegay uu muddo kooban ka hor uu halkaasi ka amb0-baxay markii ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan.

Qof isa soo miidaamiyey ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyey Xarunta Dawladda hoose ee Muqdisho, Qaraxaasi oo sababay khasaare.

Wararka hor-dhaca ah ee halkaa ka soo baxaya ayaa qaarkood sheegayaan inuu dhaawac soo gaadhay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa, laakiin illaa hadda ma jirto War ay arrintaa ka soo saartay Dawladdu.

Weli ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkan, inkasta oo ay weli goor hore tahay.

La Soco Warkan oo Faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka