Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Hargeysa, (HCTV) –  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Boris Johnson, kaas oo sheegay inuu soo dhaweynayo Raysal Wasaaraha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Hadii Boris Johnson uu yimaado, isla markaana Somaliland ay garanaynaa saaxiibadii oo marar badan soo booqday Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka dhamaan shacabaka Somaliland uu dhambaal hambalyo iyo boogaadin ah u dirayaa Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Boris Johnson oo Salaasadii 23.07.2019, loo doortay xilka hogaamiye-nimo ee dalkaasi Britain.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.