Maleeshiyo Islaamiyiin Congolese Ah Oo Weerar Ku Dilay 12 Qof

Goma, (HCTV) – Maleeshiyo islaamiyiin ah ayaa laba iyo toban qof ku dilay laba weerar ay ku qaadeen bariga dalka Congo oo la daalaadhacaya cudurka Ebola, sida ay sheegayaan masuuliyiinta gobolkaasi.

Maleeshiyadan looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxo islaamiyiin ah oo gobolka ka jira ayaa weeraro xidhiidh ah ku qaaday magaalooyinka Eringeti iyo Oicha maalintii Isniintii, halka weerarka ay ku qaadeen ayaa ah meel cudurka Ebola uu si balaadhan u halakeeyey, sida uu sheegay maamulka deegaanka Beni oo magaciisa la yidhaa Kasereka Donat.

Waxaanay kooxahan Islaamiyiinta ah ee Weerarka ku qaaday deegaamadaasi ka tirsan dalka Congo ayaa halkaasi ku dilay 12 qof.

“Marka laga tago ciidamada xoogan ee Congolese-ka ah ee ku sugan gobolka, dadku shcabka ah ee caadiga ahi waxa ay la kulmaan weeraro argagixiso oo noocan ah,” sida uu yidhi Donat.

Tan iyo bishii u dambaysay kooxaha Islaamiyiinta ah waxa ay sheegeen weerar ay qaadeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.