Maxaa Ka Soo Kordhay Wararka Qarax Muqdisho Ka Dhacay Oo Masuuliyiin Ku Dhinteen ?

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay Qarax Maanta ka dhacay xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Dawladdu waxay sheegtay in qaraxa oo galabnimadii Maanta dhacay ay ku dhinteen 6 ruux, oo ay laba ka mid ah yihiin guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo maamulka gobolka banaadir ka mid ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Xayir Maareeye ayaa sheegay in guud ahaan dadka Qaraxaa ku dhintay yihiin lix ruux, halka lix kalena ku dhaawacmeen,

“Dadka uu qaraxaasi dhaawaca uu ka soo gaadhay waxaa lagu dabiibayaa Cisbitaalka Digfer oo dhaawacyada ugu badan la geeyey, dhaawacyada sida ay kala yihiinna warbixinta ugu dambeyso waxaan ka sugeynaa dhakhaatiirta.” ayuu yidhi, Wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Dowlad ahaan waan cambaareyneynaa ficilka aragaggixisada ee bahalnimada ah ee lagu soo qaaday mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqaynayey sidi uu dalkan uu nabad u heli lahaa.”

Wasiirku wuxuu xaqiijiyey in Masuuliyiinta weerarkaa oo ismiidaamin ku dhaawacmay uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mr. Yariisow.

Qaraxa ayaa waxa xilli dambe masuuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka