Turkiga Oo Istanbul Ka Raafay Qoxooti Iyo Muhaajiriin Ka Badan 6,000

Istanbul (HCTV) – Dawladda Turkiga ayaa labadii Toddobaad ee u dambeeyay Magaalada Istanbul ka raaftay isla-markaana xidh-xidhay Qoxooti iyo Muhaajiriin ka badan 6,000.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu oo xaqiijiyey xadhigga Dadka qoxootiga iyo Muhaajiriinta ah oo ay ku jiraan Dad Suuriya ka soo qaxay ayaa sababta Dadkan loo raafay ku sheegay inay yihiin Dad aan u diwaangashanayn Dawladda Turkiga.

Maalmihii u dambeeyay waxa jiray wer-wer laga qabo in boqollaal Qoxootiga Suuriya ee Turkiga ku nool dib loo celinayo, inta la saxeexo heshiisyo Dadka qaxootiga ahi ujeeddada laga leeyahay fahmin, siday ku warrantay Al-jazeera.

“Hawl-galkan waxaanu wadnay illaa July 12, sidaa darteed waxaanu Istanbul ka qabanay 6,122 Dad ah,kuwaasi oo 2,600 yihiin reer Afghanistan, 1,000 Suuriyaan ah..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha guduhu Arbacada Maanta, waxaanu intaa ku daray “Markaanu qabano Suuriyaanka aan diwaangashanayn, waxaanu u diraynaa Xeryaha Qoxootiga..”

Xeryaha Qoxootiga ee Wasiirku sheegay inay Suuriyaanka geynayaan ayaa ku yaalla Gobolka Xuduudka ku yaalla ee Hatay.

Wasiirku wuxuu beeniyey in Dadka ay qab-qabteen u Mastaafurinayaan Dalalkoodii, sida Suuriya.

Turkiga ayaa xilligan Hoy u ah in ka badan 3.5 Million Qoxooti Suuriyaan ah, waana Tirada ugu badan Adduunka oo dhan ee halkaa ku nool.

Dadka la raafayo ayaa ah kuwa Sharci-darrada ku jooga Turkiga, gaar ahaan Magaalada Istanbul ee aan diwaangashanayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka