Guddi Loo Magacaabay Gurmadka Dadkii Waxyeelladu Ka Soo Gaadhay Qaraxi Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi gaar ah u Magacowday sidii Gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa Masuuliyiintii iyo Dadkii kale ee dhibaatadu ka soo gaadhay Qaraxii Shalay Al-shabaab la beegsatay xarunta dawladda Hoose ee Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada Dad ay ku jiraan laba Guddoomiye degmo, dhaawacmaana lix qof oo Duqii Caasimaddu ku jiro.

Wareegto uu soo saaray Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu sheegay in Guddigaasi ay ka shaqayn doonaan sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa Dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay Qaraxa oo Qof isa soo miidaamiyey ka fuliyey gudaha Hoolka Shirarka Dawladda hoose ee Muqdisho oo xilligaa shir uga socday Maamulka Gobolka iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegtada oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornayd sidan:-

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka