Hooyadii Jacaylka Ee Korsatay 118 Caruur Ah Oo Shiinuhu Xabsiga U Taxaabay

Webei, (HCTV) – Haweenay dhalatay dalka Shiinaha oo da’deeda lagu sheegay 54 jir oo korsatay 118 caruur ah ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Li Yanxia ayay maxkamada Wu’an ee ku taala gobolka Hebei ee dalka Shiinuhu ay dambi ku heshay maalintii Arbacadii, taas oo Maxkamadu ay sheegtay in dambiyada lagu helay Haweenaydan ay ka mid yihiin wax-isdabamarin, Maydhaamid ama Foojariyayn, iyo inay isaka dhago marisay amaro la falay.

Haweenaydan oo iska leh goob caruurta Agoomaha ah lagu xanaaneeyo, ayaa lagu naanaysaa “Hooyada Jacaylka”, taas oo sidoo kale lagu xukumay ganaax gaadhaya 2.67m yuan oo u dhiganta $388,000) dollar.

Haweenaydan ayaa sidoo kale lala xukumay 15 qof oo kale oo uu ku jiro nin ay isku cindanaayeen ama ay saaxiib ahaayeen.

Maxkamadan ayaa sidoo kale ku heshay haweenaydan Li Yanxia – oo sidoo kale loo yaqaano Li Lijuan – inay gaboodfalo u gaysato caruurta agoomaha ah ee ku xaraysan xarunta ay samaysatay.

Ninka ay isku cindanaayeen ama saaxiibka ay la tahay oo la yidhaa Xu Qi, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin jabinta amarada dawlada, lacago siyaabo sharci daro ah ay ku macaasheen, xatooyo. Waxaanan isaga lagu xukumay 12.5 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan 1.2m yuan.

Halka 14-ka kale ee la socday ay xabsiga ku jiri doonaan midkiiba afar sanadood xabsi ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.