Facebook Oo Hawada Ka Saartay Akowno Badan

BANGKOK (HCTV) – Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay Khamiista Maanta hawada ka saartay Akoono iyo Bogag Facebook oo laga lahaa Dalalka Russia, Ukraine, Thailand, Honduras.

Shirkadda Facebook oo dhawaan ballan-qaadday inay hawada ka saari doonto Akoonnada Facebook ee sida Anshaxa ka baxsan loo isticmaalo ayaa sheegtay in Akoonnada laga lahaa Dalalka Russia, Ukraine, Thailand, Honduras ay u baa’biisay in loo adeegsanayey hab-dhaqan aan wanaagsanayn.

Shirkadda Facebook waxay sheegtay in hawl-galkan ay ka fulinayso Adduunka oo dhan, ka dib markii lagu eedeeyay in aanay si dhakhso ah u hirgelin qalab ama Nidaam (System) lagula dagaalamo Xagjirnimada iyo borobagaandada.

Guud ahaan Afartan waddan, ayaa waxa la xidhay ama laga tirtiray Akoonno Facebook oo ah 294 iyo 1,509 Bog (Pages), sida Shirkadda Facebook Maanta sheegtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka