Dad Xanuunnada Dhimirka Ka Bogsaday Oo Xirfado La Baray

Hargeysa (HCTV) – Munaasibad Ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta lagu daweeyo laguna daryeello Dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 13 Qof oo Xirfadaha Gacanta la baray, ka dib markii ay ka bogsadeen Xanuunnada dhimirka oo markii hore halkaa loo geeyay.

13-ka Qof oo ah Dufcaddii 10-aad ee xirfado lagu baro Xarunta SAHAN ee Magaalada Hargeysa markii ay ka bogsadeen Xanuunnada dhimirka, ayaa Xafladdii Qalin-jebintooda wax aka qayb-galay Masuuliyiin ka socday Laamaha Dawladda, Culimo, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Waalidiin.

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Qofka marka halkan la keeno waxa la siinayaa gargaar deg-deg ah oo ay Dhakhaatiirtu siiyaan, waxa la siiyaa meel nadiif ah si uu u seexdo, waxa jira Masaajidkii, Rayslihii, Maktabadda akhriska, Goobta Jimcisiga, Iskuulka Waxbarashada, waxa loogu talo-galay in Qofku noqdo sidii Qof Magaalada oo jooga oo kale. Farxaddayada lama soo koobi karayo, waayo? Bani-aadamku markay arkaan Midhaha Tacabkooda (Way farxaan), intaa aad markhaatiga nooga tihiin ayaa nagu filan..”

13-ka Qof oo la baray Xirfadda Dawaarka ayaa waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha Xarunta SAHAN, Kayse Xasan Cumar, waxaanu yidhi “Qofka marka Sahan la keeno waxaanu ku dedaalnaa inuu ka baxo isagoo Maskax ahaan u caafimaad qaba iyo jidh ahaanba, waxaanu intaa u raacinaa inaanu barno Farsamo Gacmeed, Maantana waxaad goob-joog u tihiin dufcaddii 10-aad.”

Agaasime Kayse wuxuu la dardaarmay Ardayda la baray Xirfadda Dawaarka iyo Waalidiintooda “Waxaan idinku dhiirigelinayaa in jidkaa saxa ah ee la idinku riday aad sii haysaan, in Xirfadihii aad barateen aad u camal fashaan oo aydaan tacab khasaarin, Balwadihii iska daysaan, Waalidiinta la shaqaysaan. Waalidiinta waxaanu ka codsanaynaa in Qofku marka uu halkan SAHAN ka baxo aan faraha laga qaadin ee laga war hayo..”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isaguna bogaadiyey Maamulka Xarunta SAHAN “Sidaa imika (Sahan samaysay) waxaynu u baahan nahay inaynu Dadkeena farsamada Gacanta barno, sida Dawaarka, Sahana waxaan ka codsanayaa inay farsamooyin kalena ay Dadka u soo kordhiso, si Qofku uu Xirfado badan uu noloshiisa ugu maarayn karo, Ardaydana waxaan leeyahay Hambalyo..”ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Cabdirashiid Sheekh Ibraahim, ayaa isaguna ballan-qaaday inay Wasaarad ahaan Ardayda Qalin-jebisay siinayaan Qalabka Dawaarka Dharka (Makiinnadaha Dharka) “SAHAN waanu ku bogaadinaynaa kaalinta weyn ee ay qaadatay. Imika wixii ka dambeeya kaalintayada waanu qaadanaynaa, Maanta Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Dawladda ka Wakiil ahi waxay 13-kaa Qof ee qalin-jebiyey siinaysaa Qalabka ay ku shaqo gelayaan (Makiinnadaha Dawaarka)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu Sahan ku aragnay waxyaabo qiiro leh, hawsha meesha ka socotaana waa kuwo Dawlado oo keliya ka bixi karaan, sidaasi darteed Kaalintayadii ayaa la tabanayaa waanuna buuxinaynaa. Waxaanu ka shaqaynaynaa Qalabka Farsamada Gacanta ee Xaruntu u baahan tahay, taana waanu ballan-qaadaynaa, waajibaadkii Dawladdana waanu gudanaynaa..”

Agaasimaha Cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, Dr. Mustafe oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Waalidiinta u soo jeediyey “Waalidiinta waxaan leeyahay, haddaad ilmahaaga fahmi waydo gee dhakhtarka kuugu dhow, dhakhtarkaasi haddaanu ahayn kii takhasuska ahaa wuxuu ku siinayaa Talo aad ugu geyso Dhakhtarkii Takhasuska ahaa..”ayuu yidhi, waxaanu kula dardaarmay Ardayda Caafimaaday ee Xirfadaha bartay in aanay dib ugu noqonin Balwadaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa isaguna sheegay in Qof kasta oo lagu hayo Xarunta SAHAN ee Hargeysa uu Fayl ku leeyahay Maxkamadda isla-markaana inta aan Xarunta la geynin Maxkamadda la soo mariyo, iyaguna u diraan Cisbitaalka Dhimirka ee Dawladda, marka Xanuunkiisa la xaqiijiyana loo gudbiyo Xarunta SAHAN “Qof kasta oo halkaa SAHAN la keenaa Maxkamadda degmada wuxuu ku leeyahay Fayl..”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Xarunta SAHAN ay u baahan tahay in loo qodo Ceel-biyood, maaddaama oo baahida ugu weyn ee Xarunta haysataa tahay biyo, “Meeshan waxa lagu hayaa 650 Qof oo Xanuunsanaya oo wada kala dabeecad ah, mid walba meel laga keenay, qaarkoodna Maandooriye iyo hawlo kale oo badan ku soo dhaceen, laakiin Maanta waydinkaa arkaya sida wanaagsan ee ay u fadhiyaan (Markii la xanaaneeyay ee la daweeyay)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Meeshani Gurmad bay u baahan tahay, Gurmadka waxa ugu horreeya Biyo, Deraasad baa la sameeyay (Waxa la ogaaday oo) biyuhu u jiraan 250 Mitir, waa 70 kun dollar (ayaa lagu qodayaa Ceelka) markaa waxaan leeyahay Dawladdeena oo Madaxweynuhu ugu horreeyo, Tujaarteena, Culimadeena, bal aynu Biyahaa ku tun-tuunsano oo Riiggaa aynu u qodno..”

Sheekhu wuxuu sheegay in Ceelkaa loo hayo hadda lacag dhan $ 8500 dollar, isaguna uu bixinayo 3000 kun ee ugu horreeya, sidaa darteedna la iska kaashado sidii Xarunta SAHAN loogu qodi lahaa Ceelka “$ 8500 dollar waa loo hayaa, 3000 dollar ee ugu horreeya Annagaa jeebbadayada ka bixinay (Bixinayna)..” ayuu yidhi.

Xarunta SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka Qaba Xanuunnada dhimirka ee Magaalada Hargeysa, waxa ku jira Dad gaadhaya 650 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka