100 Qof Oo 26 Carruur Yihiin Oo 10 Maalmood Gudahood Duqayn Lagu Dilay

Suuriya (HCTV) – Duqaymaha Cirka ee meelaha ay Jabhaduhu haystaan ay ka fuliyaan Dawladda Suuriya iyo Xulufadeedu ayaa 10-kii Maalmood ee u dambeeyay waxa lagu dilay Dad rayid ah oo gaadhaya 100, halka Saddex bilood gudahoodna ay ku barakaceen in ka badan 400,000 Qof.

103  Qof ayaa ku dhintay Duqaymo diyaarado la beegsadeen dugsiyo Waxbarasho, Cisbitaallo, Suuqyo, Dadka dhintayna 26 ka mid ahi waxay ahaayeen carruur, sida uu Jimcihii sheegay Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilan xuquuqda aadamaha Michelle Bachelet.

Masuulkani wuxuu sheegay in bartilmaameedyada Ciidammada Suuriya iyo Xulafadoodu ay yihiin meelaha Shacabku joogo, taasna wuxuu ku tilmaamay ‘Nasiib-darro’.

Ka sakow, Dadka ku dhimanaya Duqeymaha ay Suuriya iyo Xulafadiisa Ruushku ka fulinayaan Goobaha ay ka dhaqdhaqaaqaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Xukunka Bashaar Al-asad, iyaguna waxa jira baro-kac baaxaad leh oo duqaymahaasi sababeen saddexdii bilood u dambeeyay “In ka badan 400,000 kun oo Qof ayaa barakacay..” ayuu yidhi, David Swanson oo ah Afhayeenka OCHA, Jimcihii

Gobolka Dawladda iyo Xulafadeedu weerarrada ku hayaan ayaa hoy u ah dad ka badan 3 Milyan oo Qof, laakiin ku dhawaad Kala-badh Dadkaasi xilli horeba way barakaceen, waxayna u gudbeen qaybaha kale ee Dalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka