Dhul-gariirro Xidhiidh Ah Oo Ka Dhacay Philippines

Philippines (HCTV) – Inta la ogyahay 8 Qof ayaa ku dhintay, Daraasiin kalena way ku dhaawacmeen laba Dhul-gariir oo isku xigay ka dhaceen Sabtida Maanta ku dhuftay Jaziiradaha Waqooyiga fog ee Dalka Philippines.

Dhul-gariirkan ayaa Argagax ku abuuray Dadka, waxaana jira Guryo burburay ama dumay, kuwaasi oo  la hubinayo inay Cid ku soo jirto.

Dhul-gariirka ayaa ka dhacay Gobolka Batanes, kaasi oo ka kooban Jaziirado badan oo ay ku nool yihiin Dad badan.

Guryaha soo dumay ayaa jidadka dhigay dhagaxaan, waxaana markii dhul-gariirku dhacay bilaabmay inay Dadku guryahooda ka qaxaan, halka Dadkii bukaanka ahaa ee Cisbitaallada yaallay la daad-gureeyay, si loo bedbaadiyo.

Labada dhul-gariir oo kala dambeeyay ayaa cabbirkooda kala ahaa, 5.4 iyo 5.9 magnitude

Dad badan ayaa hurday markii dhul-gariirka koowaad dhacay 04:15AM, laakiin Afar Saacadood ka dib, waxa dhacay Dhul-gariirka labaad.

mid ka mid ah Maayarrada Magaalooyinka uu Dhul-gariirradani ka dhaceen oo Magaciisu yahay Raul de Sagon ayaa AFP u sheegay in Dadka ku dhintay tiradoodu tahay 60, in ka badan Lixdana ku dhaawacmeen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka