Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Isku Dhac Dhexmaray Milatariga Somaliland Iyo Jabhadda Caarre

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay isku dhac saaka duleedka magaalada Ceerigaabo ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kooxda Cornayl Caarre.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in waxoogaa isku dhac ah oo labada dhinac dhex maray ka dib ay xaaladdu ay hada degan tahay, isla markaana ay sidoodii usii socdaan dedaaladii dhexdhexaadinta ee hore u socday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta magaalada Hargeysa ugu waramay Warbaahinta Somaliland, isagoo arintaasi dagaalka ee dhexmaray Milatariga Somaliland iyo Jabhada Caarre ka hadlayana waxa uu yidhi.

Shaqaaqadan ka taagan Gobolka Sanaag, way dhamaandoontaa sidaan horeba u sheegay hadii Alle yidhaahdo, nabadd baanay ku dhamaanaysaa, wax walibana wakhtibuu leeyahay, waxa la yidhaahdaa midhaha geedku marka ay bislaadaan iyaga ayaa soo dhaca iyaga oo cidina aanay soo goyn.

Dadkana nabadda wakhtibaa la siiyaa, qof walba waa la dhagaystaa, wakhtibay qaadataa, way daalbadan tahay, laakiin taladu marka dambe iyadoo fiicnaatay oo bislaatay ayay soo gudi doontaa, waanay dhawdahay hadii alle yidhaahdo, Wax welwel ah oo weyn oo halkan ka jiraana ma jiro, waa lagu dhan yahay odayaal, dawladd iyo ciidanba waa laga midaysan yahay in arintaasi ay nabada ku dhamaato, Anagu xukuumadd ahaan waxaanu diyaar u nahay oo aanu wadaynaa, anaga oo sharciga dalkana aan ku xadgudbayn in wax walba oo xagayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ah in aanu u fidino, u dulqaadano, Anagu inta badan aanu dabcino, wixii nala yidhaahdana u dulqaadano, kaliya wixii sharciga aan la dhaafi karayn mooyaane.

Waxay ila tahay waa arin fudud oo weel dhaw ayay maraysaa, iyaduna insha allaahu way inoo dhamaan doontaa. Saaka marbay xiisadu waxoogaa ay kacday, illaahay mahadii way degan tahay imika, saacadaa la joogo way dagan tahay, odayaashii taliyeyaashii ciidamada iyo Badhasaabkii, halkii ayay ka wadaan, waxaanay ku soo noqotay arintu wadahadalkii iyo nabadii.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.