Kun Qof Oo Laga Soo Samatabixiyey Tareen Ku Xanibmay Roobab Ka Da’ay India

Mumbai, (HCTV) – Ugu yaraan, rakaab tiradoodu 1,000 gaadhayso oo ay ku jiraan sagaal haween ah oo uur le, ayaa laga soo badbaadiyey Tareenka Mahalaxmi Express oo dhaafi kari waayey deegaanka Vangani oo ka tirsan degmada Thane oo daadad xoogle oo ka dhashay roobab waaweyn oo dalkaasi ka da’ay, sida uu sheegay Masuul ka tirsan gobolka Maharashtra maanta oo sabti ah.

Tareenkan rakaabka tirada badan siday ayaa ka yimid Kalyan kuna socday Kolhapur, kuwaas oo ay u gurmadeen dhamaan ciidamada kala duwan ee dalka India oo iyagu ka qaybqaatay hawlgalka samatabixinta dadkaasi.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay xarunta tareenada oo magaciisa la yidhaa Sunil Udasi ayaa sheegay in 1,050 Rakaab ah oo la soo badbaadiyey loo qaaday goob amaan ah, isla markaana dhamaan baahiyaha dadkaasi la isku dubariday, haday tahay cuntada, gaadiid ay raacaan, iyo meelo ay u hoydaan oo loo diyaariyey .

Waxaana sidoo kale gurmadka dadkaasi lagu samatabixinayey ka qaybgalay gaadiidka gargaarka degdega ah ee ambulances oo ay la socdaan 37 dhakhtar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.