SANAAG: Ciidammada Qaranka Iyo Jabhadda Caarre Oo Dagaalamay

Sanaag (HCTV) – Warar ka iminaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Subaxdii hore ee Saaka uu Dagaal dhex maray Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Kornayl Caarre.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya In Ciidammada Qaranku ka hor-tageen Jabhadda Kornayl Caarre oo isku dayday inay ka soo gudubto Buuralayda Gobolka Sanaag, taasina keentay Dagaalka dhex maray labada dhinac.

Kooxda Caarre ayaa doonaysa inay ka baxdo Go’doonka ay ku hayaan Ciidammo la sheegay inay ku gedaaman yihiin halka ku jiraan, saaka markii ay bilaabeen inay ka soo dhaqaaqaana halkaana ay Ciidammada is hujuumeen.

Lama Oga khasaaraha ka dhashay Dagaalkan oo muddo socday, inkasta oo ay weli goor hore tahay.

Dhinaca kale, Gudaha Magaalada Ceerigaabo ayaa saaka lagu arkayey gaadiidka dagaalka ee Ciidammada Qaranka oo meelaha qaarkood la soo dhigay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka